Wacyi galintan ayaa isugu jirtay talo siin, u qaybinta bulshada warqado ay ku qoran yihin tilmaamaha iyo waxa looga baahan yahay muwaadinka codaynaya iyo ku dhejinta qoraallo xogtu ku qorantahay oo daabac goobaha dadku isugu yimaadaan.
Kooxda wacyi galinta ayaa la kulantay in kabadan 400 oo qof oo ka mid ah dadka deegaanka, waxayna ballan qaadeen inay farriimaha sii gaadhsiin doonaan bulshada inteeda kale iyo qoysaska ay ka tirsan yihiin. Talaabadan ayaa qayb ka ah ololeyaal is daba socday oo ururka FIMO uu waday kuwaasoo isugu jiray farriimo ka socday baraha bulshada, Radio Hargeisa iyo bulshada oo si toos ah loola kulmayay.
Ururka suxufiyiinta hablaha ee FIMO waxaa howlahan ka gacan siiyay Komishinka Doorashooyinka qaranka iyo International Republican Institute (IRI).

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top