Munaasibaddan ayaa waxa lagu lafo guray sida ay isu kaashan karaan haweenka Somaliland ee leh xirfadaha kala duwan leh.
Madashan oo ay kasoo qayb galeen badiba Haldoorka Haween Hargeisa iyo suxufiyiin tiro badan ayaa waxa gabagabadii abaalmarino dhiirigelin ah lagu guddoonsiiyey shan hablood oo meel fiican ka gaadhay mihnadda Saxaafadda kuwaas oo laba ka mid ahi ay yihiin suxufiyiin aragga naafo ka ah oo ka dhex muuqda goobaha ay ka hawl galaan.