Hargeysa, Somaliland — Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Dawladwanaagga (CDG) iyo Ururka Hablaha Suxufiyiinta Somaliland (FIMO) ayaa si wadajir ah u soo agaasimay tababar socon doona muddo laba maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo Badbaadada iyo Ilaalinta Hablaha ka shaqeeya Saxaafadda ee Somaliland.

Tababarkan oo ka qabsoomaya magaalada Hargeysa ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga, xirfadaha iyo awoodda ay haweenka suxufiyiinta ah u leeyihiin in ay ka jawaabaan khataraha ay la kulmaan marka ay gudanayaan waajibaadkooda saxaafadeed. Waxaa sidoo kale lagu falanqeynayaa xaaladda amni ee haweenka saxaafadda ku jira iyo sida loo heli karo hannaan sharci iyo bulsho-ba ay ku sugan karaan badbaado buuxda.

Waxaa ka qeybgalaya tababarkan haween suxufiyiin ah oo ka kala yimid gobollada Somaliland, iyadoo sidoo kale ay kasoo qeybgaleen khubaro dhanka badbaadada suxufiyiinta ah, qareenno, iyo wakiillo ka socda hay’adaha warbaahinta.

Mas’uuliyiinta CDG iyo FIMO ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo doorka haweenka ee saxaafadda iyo xaqiijinta jawi shaqo oo nabdoon.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top